Shisheeyaha Oo Lagu Weeraray Jannaale iyo Sabiid.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay weeraro qorsheysan oo beegsaday saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Saldhiga ciidamada Uganda ee magaalada Jannaale ayay habeenkii xalay weerar culus ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana weerarka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa sidoo kale Shisheeyaha lagu weeraray deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose, dagaalkuna wuxuu ahaa mid culus.

Waxyeello kala duwan oo isuga jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa la rumeysanyahay iney ka dhalatay weeraradan ay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen Shisheeyaha ku sugan qeybo kamid ah Shabeellaha Hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.