Sidee buu u dhacay Weerarkii Saraakiisha Lagu Gumaaday ee Gaalkacyo ka Dhacay?

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa gelinkii dambe ee maalintii shalay ka dhacay weerar nafhurnimo oo gilgilay magaalada, kaas oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble.

Weearrka Nafhurimada ayaa beegsaday saraakiishii ugu sarreysay gobollada Dhexe ee dowladda federaalka, kuwaas oo sugayay amaanka goob lagu waday in lagu soo dhaweeyo ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka Rooble.

Saraakiisha weerarka ku dhimatay waxaa kamid ah Jeneraal Qooje Dagaari oo ahaa taliyaha Qeybta 21aad ee mas’uulka ka ah gobollada dhexe.

Gaashaanlle Mukhtaar Cabdi Aadan oo ahaa taliyaha Maleeshiyaadka Danab ee Mareykanku uu ku tababaray garoonka diyaaradaha Balidoogle, Cabtan Marsho Mire oo ahaa ku xigeenka Danab gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale weerarkii shalay ku dhintay Col.Axmed Baarleef oo katirsanaa taliyaasha ciidamada meleteriga dowladda Federaalka, Max’med Yaasiin Tumeey oo horay usoo noqday duqa Gaalkacyo dhanka Puntland balse hadda kamid ahaa saraakiisha ciidamada Bangaraafta ee Mareykanku tababaray.

Halkan ka dhagyaso Warbixin- Sidee buu u dhacay Weerarkii Nafhurnimada ee Gaalkacyo gilgilay?

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.