Xiisado ka dhashay 8 Xildhibaan oo xasaanada lagala noqday ayaa ka taagan Garowe.

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee  Gobalka Nugaal ayaa ku  waramaya in subaxnimadii saakay ay halkaasi ka bilaabatay xisado siyaasadeed iyo mooshin ka dhan ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland.

Askar aad u farabadan oo ka tirsan ciidamada booliska ayaa saakay isku gadaamay  afaafka hore ee xarunta baarlamaanka iyo sido kale wadooyin dhowr ah oo mara magaalada ,

Dhanka kale  Xildhibaanada baarlamaanka mamaulka Puntland oo kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruunta baarlamaanka ee magaalada Garawe ayaa xasaanada kala noqday 8 xildhibaan  kuwaas oo loo soo jeediyay eedo kala duwan .

Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka putland oo hor yimid Gudoonka baarlamaanka ayaa xildhibaannada ka hor akhriyay eedeymo ka dhan ah 8 Xildhibaano  kuwaas oo lagu edeeyay falal lid ku ah anshaxa iyo xeerarka gollaha.

Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa cod u qaaday xasaanad kala noqoshada Xildhibaannada,waxaana la sheegay in 35 xildhiban ay gacanta u taageen in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqdo halka saddex xildhibaana ay diideen halka hal Xildhibaana uu ka aamusay shaqo ka ceyrinta Xildhibaanadaas.

Xildhibaannada xasaanada lagala noqday ayaa waxaa ay kala yihin.

Xildhinaan Cabdijamal Cismaan.
Xildhibaan Cabdiqani Surato
Xildhibaan Muuse Jajabsay
Xildhibaan Baduugaaye
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
Xildhibaan Saleeban Faarax.
Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Mamaulka Putland ayaa waxaa ka dhex aloolsan xiisado siyaasadeed oo is diidan, waxaana sanad ka hor xilkii laga xayuubiyay Gudoomiyihii baarlamaanka  kaas oo ay isk hor yimaadeen hogaamiyaha maamulkaas Siciid Cabdullahi Deni.

Dowlada fedraalka iyo maamul Goboleedyada oo ay dhiseen shisheeyaha ayaa ku shaqeeya xeerar ay soo dajiyeen reer galbeedka Taas oo ka dhan dhaqanka suuban ee diinta islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.