Kenya oo 8 Askari looga dilay jubbada Hoose.

Xaraada shabaabul mujaahidiin ayaa Shalay qarax Khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh geystay ka fulisay Gobalka Jubada hoose.

Qaraxaan oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya ee qaybta ah duullaanka shisheeyuhu ku joogo Soomaaliya.

Quutadada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa qaraxa la beegsaday keenyaatiga xilli ay marayeen wadada isku xirta Degmada Dhoobleey Iyo Deegaanka Taabto oo ka wada tirsan Gobalka Jubada Hoose.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay 8 askari oo katirsan keenyaatiga kuwaas ay ku jireen Sarkaal Taliye horin ah iyo mid Taliye unug ah, halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale qaraxa waxaa lagu bur buriyay gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada keenya ee marti galiyay qaraxaan lagula beegsaday gobalka Jubada Hoose.

Ciidamada kenya ee duullaanka ku jooga qaybo kamid ah gobalka jubada hoose ayaa waxaa Laf dhuun gashay ku noqday miinooyinka ay la beegsato guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.