Akhriso:Xildhibaan Kismaayo Lagu dilay iyo dagaallo ay qaadeen Alshabaab.

Ciidamada xarakada Mujaahadiinta Alshabaab ayaa habeenkii xalay iyo saaka waxa ay fulyeen howgallo isugu jira Duqeymo xagga cirka ah  Dagaallo toos ah iyo qarax xoooggan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shisheeyaha, xildhibaan  ka tirsan maamulka jubaland iyo askarta dowladda.

Qarax xooggan oo habeenkii xalay ka dhacay magaalada kismaayo ee xaruunta Gobolka jubada hooose ayaa waxaa lagu beegsaday xildhibaan ka tirsan maamulka jubaland.

Xildhibaanka qarax lala beegsaday ayaa waxaa lagu magcaabi jira khaliif Haashim oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhaw hogaamiyaha juabland Axmed madoobe.

Xarakada mujahaidiinta Al-shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay mas’uuliyadaa qaraxaan lagu dilay xildhibaan Khaliif Haashim , kaas oo ka dhacay xaafada farjano ee magaalada kismaayo.

Sidoo kale duqeymo Xagga cirka ah ayaa lala beegsaday diyaarad sahay uwaday ciidamada xabashida Itoobiya iyo kuwa Soomalida ah ee ku go’doonsan dagmada Diinsoor ee gobalka Bay

Guutada Jugta culus ee xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa dhowr gantaal la beegsaday diyaarad Laga leeyahay Turkiga oo  isku dayday in ay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha magaalada Diinsoor  halkaas oo ah meesha kaliya sahayda ugu soo degto ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale  ciidamada Alshabaab waxay  xalay dagaallo toos ah ku qaadeen ciidamada shishgeeye ee Keynya,Ugandha,Jabuuti ,askarta dowlada fedraalka iyo kuwa maamulka jubaland.

Goobaha ay ka dheceen dagaallada waxaa ka mid ah  Magaalada Dhuusamreeb ee xaruunta Gobolka Galgaduud , halkaas oo lagu weeraray ciidamada jabuuti ee ku sugan Garoonka diyaaradaha ee magalaada Dhuusa mareeb , waxaana jira khasaare gaaray jabuutiyaanka .

Sidoo kale saldhigyada ay xalay mujaahidiintu weerareen waxaa ka mid ah  deegaanka Nambar 60, Cabdalle Biroolle, Taabto ,iyo bar kontarool oo ku taala  magaalada Baydhabo ee Gobolka baay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.