Daawo Sawirada Duqeyntii Maraykanka uu ku dumiyay Xaruntii Alfurqaan.
Galabnimadii Jimcaha, 01 Janaayo 2021, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa si gardarro cad ah duqayn cirka ah ula beegsaday xarunta Idaacada Islaamiga ah ee Al-Furqaan ee Magaalada Kuunya Barrow, ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo halkaas ku burburiyay dhismihii idaacada iyo qalabkii ay ku shaqaynaysay intaba.
Ma jirin wax khasaare nafeed ah oo soo gaaray shaqaalihii iyo hawlwadeenadii idaacada oo xilligaas xarunta ka maqnaa maadaama ay ku beegnayd waqtiga Salaadda Maqribka, balse waxay dhaawacyo kasoo gaareen dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka xarunta, gaar ahaan nin waayeel ah oo dhaawiciisu aad u daranyahay iyo qof haween ah.
Waa weerarkii sadexaad ee ay diyaaradaha Mareykanku si toos ah ula beegsadaan xarumaha Idaacada Islaamiga ah ee Al-Furqaan muddo ka yar laba sano gudaheed.
Bishii Agoosto 2019 waxay diyaaradaha Mareykanu duqayn u geysteen xarunta idaacadda ee Kuunya Barrow.
Muddo kayar 10 maalmood kahorna, gaar ahaan Khamiistii 24-kii Diseembar 2020, waxay diyaaradaha Maraykanku duqayn u geysteen xarunta idaacadda ee ku taalla degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo sidoo kale lagu burburiyay dhismihii idaacadda.
Halkan ka dhagayso Bayaanka kasoo baxay maamulka Alfurqaan
Hoos ka eeg duqeynta Maraykanka ee idaacada.