Qarax ay ku dhinteen Askar Kenyaati ah oo ka dhacay Jubada Hoose.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qarax saakay askarta Kenya lagula beegsaday qeybo kamid ah gobalka jubada hoose.

Qaraxa ayaa lala eegtay  ciidamo Kenyaati ah oo ka baxay deegaanka Hosingow kuna sii jeeday gudaha Kenya.

Si gaar ah qaraxa waxa uu kaga dhacay inta u dhaxeysa Dhoobley iyo Husingow ee jubada hoose.

Shan askari oo katirsan ciidamada Kenya ayaa ku dhintay qaraxa,waxaana ku dhaawacmay todobo kale.

Qaraxa ayaa sidoo kale gubay gaari Cabdi bile ah sida ay wararku nagu soo gaareen.

Dhawaan ayay ahayd markii 17 Askari Kenyaati ah ay ku dhinteen  qaraxyo lagu burburiyay laba gaari oo ka dhacay inta udhaxaysa Dhooblay iyo Hosingow.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.