Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Kaniisad Ku Taalla Waddanka Spain.

Qaraxaan oo ahaa mid aad xuxooggan ayaa waxa uu ka dhacay Kaniisad ku taalla Magaalada Madrid oo ah caasimadda Waddanka Spain.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa Iyo sababta ka dambaysa, iyadoona marba marka ka dambaysa ay Isa Soo tarayaan khasaaraha uu geystay qaraxa.

Dad ku sugan Magaalada Madrid ayaa waxay warbaahinta  usheegeen in qarax aad xuxooggan uu ka dhacay Magaalada kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafado katirsan caasimadda waddanka Spain.

Wararka horu dhaca ah ee kasoo baxaya qaraxaan ayaa waxay sheegayaan in ay ku dhinteen 2-ruux, halka ay sidoo kalana ku dhaawacmeen 6-qof.

Sidoo kale qaraxa ayaa bur buriyey 3-dabaq oo qeyb ka ahaa dhismaha Kaniisadda ee uu ka dhacay qaraxaan gaystay khasaarooyinka isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.