Sarkaal Jabuutiyaan ah oo ku dhintay dagaal ka dhacay Jalalaqsi.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Ciidamo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa weerar ku ekeeyay saldhig ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha degmada Jalalaqsi.

Sarkaal magaciisa lagu soo koobay  Cusmaan oo kamid ahaa saraakiisha Ciidamada Jabuuti ayaa ku dhintay dagaalka laba kalana wey ku dhaawacmeen.

Diyaarad ayaa kusoo degtay xerada Askarta Jabuuti,waxayna halkaasi ka qaaday saraakiil iyo ciidamo dowladda Jabuuti kaga dhaawacmay dagaalkii xalay ka dhacay degmadaasi.

Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa Hiiraan ka fulisay weeraro ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ciidamo katirsan Askarta Jabuuti ee Hiiraan la jooga Xabashida Itoobiya.

Ciidamada Jabuuti ayaa Hiiraan iyo qeybo kamid ah Soomaaliga looga yaqaanaa Hiil gumeysi markii ay caawiyeen oo ay ka garab dagaalameen ciidamada Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.