Sawirro+Maqal.Duqeyntii Maraykanka uu ku dilay Suldaan Maxamed Cabbaas.

Xili shalay dulleedka degmada Jamaame Lagu dilay Suldaan Maxamed Cabaas Axmed Diirshe oo ahaa suldaankii Beesha habar gidir ee goballada jubbooyinka ayaa dilkaasi gardarrada ah ee uu gaystay Maraykanka waxaa ka hadlay ehellada Suldaanka iyo nabad doonada ku nool degmada jamaame ee jubbada hoose.

Ehellada Suldaanka ayaa sheegay in xiliga Suldaanka la dilayay uu ku socday beertiisa islamarkaana ay beegsatay Diyaarad kuwa duuliya la’aanta ah.

Waxay iska fogeeyeen in Suldaanka uu ka tirsanaa Alshabaab iyagoo carabka ku adkeeyay in suldaanka uu ka shaqeynayay danaha beesha uu hoggaanka u ahaa iyo inay wanaag  kula dhaqanto dariskeeda.

Halkan ka dhagayso Codka qaraabada suldaanka

Dhinaca kale nabad doonada beellaha iyo waxgaradka ku dhaqan Jamaame ayaa aad udhaleeceeyay dilka Maraykanka uu ugaystay Suldaan Maxamed Cabaas Axmed Diirshe.

Maraykanka ayay ku tilmaameen dowlad xasuuq ka wada dalka Soomaaliya iyadoo beegsanaysa dadka ka dhex muuqda bulshada,Haweenka iyo Carruurta.

Halkan ka dhagayso nabad doonada Jamaame

Sanadkii tagay ayay ahayd markii diyaaradaha Marakanka ay dulleedka Jamaame ku dileen suldaankii beellaha Jareerweyne ee goballada jubbooyinka Suldaan Cabaas Muxamed Xaaji.

Hoos ka daawo sawirrada gaariga lagu duqeeyay suldaanka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.