Amisom iyo Dowladda oo 25 Askari Looga dilay Sh/Hoose.

????????????????????????????????????

Maanta gobalka shabeellaha hoose waxaa ka dhacay weeraro kala duwan oo ciidamada Alshabaab ay udhigeen ciidamo katirsan Amisom iyo kuwa dowladda.

4 Askari oo Taliye Horin ku jiro ayaa laga dilay shisheeyaha halka Askarta dowladana Lex Askari  loiga dilay kamiin ka dhacay inta u dhaxeysa Jannaale iyo Buufow ee shabeellaha hoose.

Ciidamada oo lugeynayay ayaa si lama filaan ugu dhacay kamiinka waxaana kaga dhaawacay Askar badan.

Meel udhaw deegaanka Buufow ee shabeellaha Hoose waxaa qarax lagula beegsaday labo askari oo katirsanaa ciidamada dowladda.

Askarta ayaa la socday mooto waxaana haleelay qarax halkaasi ayayna iyaga iyo mootadii ku gubteen sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo mas’uul ah.

Dhinaca kale Wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn  waxaa ka dhacay Labo kamiin oo  loogu dhigay ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Kamiinka koowaad waxaa ku dhintay Afar askari Todobo kale wey ku dhaawacmeen.

Kamiinka labaad waxaa ku dhacay ciidamo katirsan  Millatariga dowladda,waxaana kaga dhintay 9 askari dhaawacuna waa shan askari.

Ciidamada Alshabaab ayaa kamiinka danbe ku furtay  Afar qori oo AK47, Labo qori oo PKM ah,hal qori oo RPG ah iyo Hal Mooto.

Alshabaab ayaa laba jibaarayay dagaalada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda xili dowladda ay ku jirto waqti kala guur ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.