Dad Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Faransiiska.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa si yaabo kala duwan ugu dhaawacay qarax xooggan oo maanta ka dhacay waddanka Faransiiska.

Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay dhisme ku yaalla Magaalada Bordeaux ee dalka Faransiiska iyadoona uu ahaa mid Aad uxooggan.

Xaafado badan oo katirsan Magaalada ayaa laga maqlay jugta qaraxaan gilgilay magaalada, iyadoona ay goobta gaareen gaadiidka dab damiska.

Laba ruux oo kale ayaa lagu la’yahay qaraxaan ka dhacay waddanka Faransiiska kuwaas oo aan la ogayn halka ay jaan Iyo cirib dhigeen.

Baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay ayaa waxay muujinayaan in qaraxa uu ka dhashay gaas isagoona waxyeeleeyay dhismaha oo ahayd meel garaash ah.

Laba dhisme oo kale oo ku dhaw xarunta uu qaraxu ka dhacay ayaa iyagana waxyeello soo gaartay, iyadoona illaa 50 gawaarida dab damiska ay goobta Soo gaareen.

Afhayeen uhadlay sharikadda Ragas Gas ayaa sheegay in aysan xaqiijin karin in qaraxa uu ka dhashay gaas, wuxuuna shaki galiyay nuuca qarax ee ka dhacay magaalada.

Sawirro laga soo qaaday xarunta uu qaraxu ka dhacay islamarkaana lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinaya bur bur xooggan oo saagaray dhismaha iyo xarumo kale oo ka ag dhaw, waxayna sidoo kale muujinayaan baaxadda uu la egyahay khasaaraha hantiyeed ee uu gaystay qaraxa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.