In ka Badan 20 Ruux Oo ku Dhimatay Iska Hor Imaadyo ka Dhacay Gudaha Mid ka Mid ah Xabsiyada Dalka Haiti

Ugu yaraan 25 Maxbuus ayaa dhintay kadib markii toogasho ay ku dileen ilaalada xabsiga xili ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan xabsi ku yaala meel u dhow caasimada waddanka Haiti sida ay ku dhawaaqeen mus’uuliyiinta waddankaas.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Arnel Joseph oo ahaa madaxa xabsiga, sanadkii 2019 ayaa ninkaan xabsiga la dhigay xiligaas uu ahaa horjoogaha koox ka mid ah kooxaha ugu waa wayn maafiyada dalka Haiti.

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska ayaa u sheegay warbaahinta in ay ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen 69 Maxbuus oo baxsaday intii uu socday iska hor imaadka u dhaxeeyay ilaalada xabsiga iyo maxaamiista, sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanku ay ku raad joogo 200 oo Maxbuus kuwaas oo baxsad ah.

Madaxweynaha waddanka Haiti ayaa cambaareeyay falka ka dhacay jeelka wuxuuna dadka reer Haiti ugu baaqay inay isdajiyaan, isagoo intaa ku daray in ciidanka Booliska ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo xaaladda.

Waddanka Haiti oo dhaca Qaaradda waqooyiga Ameerika ayaa waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah dalalka ugu saboolsan Aduunka dadkiisuna 80% waxa ay la daala dhacayaan faqri iyo saboolmino, sidoo kale wuxuu kaalmaha hore kaga jiraa dalalka ay inta badan ka dhacaan qalalaasaha iyo iska hor imaadyada hubeysan oo uu dhiig faro badan ku daato.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.