Nin Maraykan Ah Oo Ku Kacay Fal Aad Looga Naxay Oo Aaney Taariikhdu Warin Qof Horey U Sameeyay

Qof looga shakisanyahay inuu 3 ruux ku dilaya gobolka Okalahoma ee dhaca koonfurta wadanka Maraykanka ayaa qirtay inuu jarjaray wadnaha mid kamid ah dadka uu dilay, islamarkaana uu ku kariyay bardho, sida ay tabinayaan warbaahinta Maraykanka.

Ninka falkan ku kacay waxaa lagu magacaabaa Loranse Boul, wuxuuna jiraa 42 sano, waxaana marar badan ninkan gacanta ku dhigay booliiska, isagoo ku andacoonaya inuu xanuunsanyahay.

Saddexda ruux ee uu dilay waa adeerkiis, gabar ay ilmo adeero yihiin iyo haweeney ay deris ahaayeen, waxaa sidoo kale jirta inuu horay u dhaawacay haweeney uu adeerkiisa qabo.

Markii ugu horeysay wuxuu dilay haweeney ay deris ahaayeen oo lagu magacaabo Andriya, wuxuuna jarjaray wadnaheeda si uu ukariyo, waxaana la yaab leh inuu ku marti qaaday adeerkiis, gabar uu dhalay iyo xaaska adeerkiis oo booqasho ugu yimid, sida ay warbaahintu soo tabinayaan.

Marka qoyska soo booqday ay diideen iney cunaan wadnaha banii aadamka ayuu ninkan Loranse Boul lagu magacaabo wuxuu weerar mindiyeyn ah ku qaaday qoyskii soo booqday, halkaas oo uu ku dilay adeerkiis, dhaawacyo kala duwanna ku gaarsiiyay haweeneyda uu qabo adeerkiis iyo gabadha ay ilmo adeerada ahaayeen, taasoo markii dambe u dhimatay dhaawaca.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.