Safiirkii Talyaaniga U Fadhigayay Congo Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Bariga Congo

Wararka naga soo gaaraya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa waxay ku waramayaan in Safiirkii Talyaaniga ufadhiyay waddankaas Luca Atanasio, lagu dilay weerar hubaysan oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Weerarka ayaa dhacay xili safiirka iyo kolonyada galbinaysay ay ku jireen booqasho ay ku tagi rabeen magaalada Goma ee xarunta gobolka Kivu ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in safiirkeedii u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Sarkaal ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Talyaaniga lagu dilay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sugnaa bariga dalka Congo.

Ilo wareed diblumaasiyadeed ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in Safiirku uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray wareerka lala beegsaday.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Sarkaal maxalli ah ayaa sheegtay in weerarkaan lagu dilay Safiirka Talyaaniga uu ahaa isku day lagu doonayay in lagu afduubo shaqaale katirsan Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay dilka safiirkii Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, asigoo intaas ku daray in mas’uuliyiinta Talyaaniga aysan wax dadaal ah la hari doonin si ay u iftiimiyaan dhacdadaan, taas oo sida muuqata ahayd buu yiri isku day afduub oo loo geysan rabay diblomaasiga Talyaaniga ah.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in labo ruux oo kale lagu dilay weerarka inkastoo aanan la aqonsan heebtooda iyo cida ay ka tirsan yihiin intaba.

Ilaa iyo haatan majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaa lagu khaarajiyay Safiirka Talayaaniga ufadhiyay Congo, waxaana xusid mudan in weeraro badan lagu qaaday ciidamada shisheeye ee qaramada midoobay islamrkaana duullaanka ku jooga wadamada dhaca bartamaha iyo galbeedka AFrika kuwaas oo lagu gaarsiiyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.