Shil Ay Dad Badan ku Dhinteen Oo ka Dhacay Waddanka Hindiya

Wararka naga soo gaaraya waddanka Hindiya oo dhaca Koonfurta qaaradda Aasiya ayaa waxay sheegayaan in saacadahii lasoo dhaafay halkaas uu ka dhacay shil aad xooggan oo ay ku dhinteen dad badan.

Shilka ayaa ka dhacay gobolka Madhya Pradesh oo ku yaalla bartamaha dalka Hindiya kadib markii gaari bas ah oo siday rakaab ay la duntay buundo sidaasna uu ugu dhacay kanaal biyood wayn, sida uu wakaaladda wararka ee AP u sheegay Kumar Chowdhury oo ah qaadiga gobolka Ravindra ee uu basku u socday.

Rakaabka baska shilka galay ayaa waxay ahaayeen 46 qof waxaana shilkaan ka badbaaday 6 ruux oo kaliya, halka 40-kii kalana ay ku dhinteen oo ay ku jireen caruur, haween iyo dad waayeello ah intaba.

in kabadan 110 kun oo qof ayaa sanad walba ugu dhinta shilal ka dhaca wadooyinka dalka Hindiya oo dhan sida lagu sheegay warbixin sanadle ah oo ay soo saaraan boliska waddankaas.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in shilalka badankood loo aaneynayo taxaddar la’aan dhanka wadayaasha gawaarida ah, burburka waddooyinka iyo gawaarida oo ah kuwa duug ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.