Weerar Geestay Khasaase Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Oo ka Dhacay Galbeedka Waddanka Mexico

Sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta dowladda Mexico 11 ruux ayaa ku dhintay 2 qof oo kalana way ku dhaawacmeen weerar toogasho ah oo saacadii lasoo dhaafay ka dhacay waddanka Mexico ee dhaca Qaaradda Waqooyiga Ameerica.

Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay magaallo ku taalla gobolka Jalisco ee galbeedka waddanka Mexico waxaana geestay rag ku hubaysan qoryada fudud ee daran dooriga u dhaca.

Warbaahinta ayaa sheegtay in kooxdaan weerarka geesaty ay ku yimaadeen seddex gaari kadibna ay rasaas u fureen dad sarqaansan oo khamri ku cabayay wadada dhinaceeda taas oo keentay in ay dhintaan 11 ruux , labo kalana ay ku dhaawacmaan.

Bayaan ay soo saartay Haweeneyda Xeer ilaalinta guud ka ah gobolka uu ka dhacay falkaan ayay sheegaty in bartamaha magaalada laga helay meydadka 10 ruux oo jirkooda rasaas ay ka muuqato halka meyd kale oo wiil dhalinyaro ahna laga helay guri goobta ka ag dhow.

Xeer ilaalinta ayaa intaas waxay ku sii dartay in labada ruux ee dhaawacyada qaba ay kala yihiin haweeney iyo ilmo yar oo ay wadatay waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Ugu danbayn Sarkaal ka tirsan ciidamada boolika Mexico oo warfidiyeenada kula hadlay goobta uu ka dhacay weerarka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxdii ka dambeysay weerarka isagoona carabka u adkeeyay in goor dhow ay gacanta ku soo dhigidoonaan cidkasta oo lug kuleh falkaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.