Afar Askari oo sarkaal uu ku jiro oo Lagu dilay Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa maanta dagmada kaaraan ee Muqdisho ku dilay gaashaalle dhexe oo katirsanaa ciidamada Milatariga Laguna magacaabi jiray Xuseen Maxamed Gacal.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa yimid ciidamo katirsan dowladda kuwaasi oo qaaday meydka Sarkaalka.

Sidoo kale isla maanta ciidamada xarakada alshabab ayaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda waxa ay ku dileen xaafada siinay ee magaalada muqisho .

Ciidamadaan la dilay ayaa waxaa horay looga furtay laba qori oo ay ku hubeysnaayeen iyadoona ragii dilka gaystay ay halkaasi si nabad galya ah kaga tageen.

Dhinaca kale askar ka tirsan ciidamada Burundi ayaa waxaa laba qarax lagula eegtay inta udhaxaysa Deegaanka Gololey iyo degmada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe.

Mid kamid ah qaraxyada waxaa lagu gubay qaari xamuul ah halka mid ka kalena lagu beegsaday ciidamo lugeenayay waxana la’rumesan yahay inuu jiro qasaaro so gaaray ciidamadan qaraxyada la kulamay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.