Ciidamo Katirsan Maamulka Jubbaland Oo Lagu Laayay Weeraro Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

Howl gal ladaan oo isugu jiray dagaallo toos ah duqeymo qaraxyo Iyo kamaa’in ayaa waxay si gaar ah kaga dheceen deegaannada Buulo Gaduud iyo Baar-sanguuni oo dhaca duleedka Magaalada Kismaayo.

Ciidmaada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa dagaal toos ah iyo duqeymo la beegsaday Xeraada ciidamada Maamulka Jubbaland ee deegaanka Baar-sanguuni.

Dhowr madaafiic ayaa gudaha ugalay xirada, waxaana la arkayay uuro madow oo ka baxaysa xirada taas oo muujinaysa khasaaraha soo gaaray ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale weeraro isugu jira qaraxyo iyo Dhabba-gal ayaa waxaa ciidamada Jubbaland lagula beegsaday inta udhaxaysa Baar-sanguuni Iyo Buulo Gaduud oo dhaca duleedka Magaalada Kismaayo.

12 Aakari ayaa lagu dilay weerardaan oo uu ku jiro taliye horin lagu magacaabo Xasan Aadan Moordi halka lagu dhaawacay 21 kale.

Laba gaari oo ay wateen ciidamada jubbaland ayaa sidoo kale lagu gubay weerarada kuwaas oo kala ah gaari Sacceed iyo Gaari nooca Soomaalidu  Afjiir u taqaan ah.

Gaari Cabdi bile ah oo gurmad ahaan uga soo baxay magaalada Kismaayo oo ku socda xawaare sare ayaa rogmaday, waxaana ku dhintay laba askari halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro taliyihii ciidanka watay oo lagu magacaabo Maxamed Buulow.

Khasaaraha guud ee maanta gaaray ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ah dhimashada 14 askari oo uu ku jiro Xasan Aadan Moordi oo ahaa taliye horin, iyo dhaawaca 25 askeri.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.