Dhageyso: AlShabaab oo Bayaan ka soo saartay weerarkii xabsiga Boosaaso.
Xarakada Shabaaabul Mujaahidiin ayaa Bayaan ka soo saartay weerarkii ay dhawaan ku qaaday Xabsiga ugu weyn Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari halkaasoo ay ku laysay ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland kuna soo furatay Maxaabiis gaaraya afar boqol oo ruux
Maxabiista ayaa isugu jiray Xubno ka tirsan Xarakada iyo dadka kale oo Shacab ah oo xir xirnaa Maamul Gobalkeedka Puntland.
Bayaanka waxaa akhriyay Sheekh Abuu Cabdiraxmaan Mahad Warsame oo ka mid ah Hogaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaanuu ku faah faahiyay weerarka iyo waxyeelada uu Puntland u geystay iyo Maxaabiista ay soo xoreeyeen waxaana Bayaanka Baahiyay Garabak Warbaahineed ee Alshaabab ee Alkataaib.
Abuu Cabdiraxmaan waxa uu Sheegay in ay Weerar ku yihiin Ciidamada Xabsiyada ilaaliya kuwaasoo dhibaatooyin u geysta dadka Muslmiinta ah ee ay hayaan.
Halkan ka dhagayso bayaanka Fukkul Caani ee uu soo jeedinayo Sheekh Mahad Warsame