Faahfaahin Kasoo Baxeysa Madaafiic Lagu Garaacay Xirada Xalane

Maalintii shalay guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa tiro hoobiyayaal ah ku weeraray xirada xalane oo ah taliska ugu weyn ciidamada afrikaanta iyo shisheeyaha caddaanka ee duullaanka ku jooga waddanka.

Illaa iyo lix madfac ayaa gudaha ugalay xirada xalane oo ku taalla meel aan sidaas uga fogeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, Taas oo sidoo kalana ay ku yaallaan xafiisyo ay leedahay qaramada midoobay.

Qaar kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay goob ay ciidanku ka daganaayeen xirada gudegeeda baakinno la dhigto gawaarida iyo qaar kamid xafiisyo ku yiillay gudaha xirada, kuwaas oo sababay dhaawaca ugu yaraan laba askari oo katirsan ciidamada afrikaanta ugandha.

Sawirro Iyo muuqaallo laga soo qaaday xirada ayaa muujinaya xajmiga uu la egyahay khasaaraha maaddi ee ay gaystaan madaafiicda lagu garaacay xirada xalane.

Mid kamid ah muuqaaallada laga soo qaaday goobta ayaa bannaanka soo dhigaya sida ay madaafiicda gudaha ugu galeen halka ay ciidamada ka daganaayeen xirada, iyo bur burka soo gaaray goobtaas.

Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda Weerarkaan madaafiicda ah ee lagu qaaday xalane.

Waxaa xusid mudan in Weerarkaan uu ku soo aaday saacado kahor udiyaar garowga shir ay halkaas ku yeelan lahaayeen madaxda DF iyo kuwa maamul gobalaydyada.

Weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda ee lagu qaaday xirada xalane ayaa kusoo aadaya iyadoo ciidamo gaar ah oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay xaafadda Laba Dhagax degmada Wardhiiglay ee magaalada Muqdisho ku dileen xubin katirsan sirdoonka DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.