Shil Tareen Oo Geystay Khasaarooyin Kala Duwan Oo Ka Dhacay Waddanka Pakistan

Wararka naga soo gaaraya koonfurta waddnka Pakistan ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu dhacay shil geestay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay baahisay warbaahinta waddankaasi.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii Tareen ka yimid magaalada Karachi ee koonfurta dalka Pakistan kuna sii jeeday magaalada Lahore, ee bariga waddankaas uu ka leexday wadadii Tareenka sidaasna uu ku rogmaday taas oo keentay in dad badani khasaare uu ka soo gaaro.

TV-ga Geo News oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in shilkaan uu sababay dhimashada 1ruux iyo dhaawaca in kaban 40 kale wuxuuna intaas ku daray in shilkaan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Sukhar gobolka Sindhi ee dhaca koonfurta waddanka Pakistan.

Shaqaalaha gargaarka oo wata gawaarida Ambalaasta oo soo gaaray goobta uu ka dhacay shilka ayaa dadkii dhaawaca ahaa u qaaday goobaha caafimaadka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.