Faah Faahin: Al Shabaab oo 47 Askari ku dilay Xerada Bariire gaadiid dagaalna qabsaday.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa aroornimadii saaka weerar xoogan ku qaaday saldhigga ciidamada DF ee deegaanka Bariire ee Sh/hoose, iyadoo halkaas xasuuq ba’an ugu geystay maleeshiyaatka Soomaalida, lana wareegay inta badan gaadiidkii iyo zaanadihii hubka ee yaalay xeradaasi.
Dagaalkan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa lagu daah-furay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana dagaal xoogan kadib Al-Shabaab u suuragashay inay si buuxda ula wareegaan Xerada.
Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta u sheegay inay dagaalkaas ku dileen ugu yaraan 47 askari oo uu ku jiro abaanduulihii ciidanka ee Xerada.
Wuxuu sheegay inay gacanta ku dhigeen inta badan gaadiidkii yaalay xerada iyo keydadkii Hubka.
“Waxaan gacanta ku dhignay 6 gaari oo ay ku jiraan 4 tikniko, hub iyo saanad ciidan oo badana gacanta ayaan ku dhignay” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab afhayeenka ciidanka ee Xarakada Al-Shabaab.
Ciidanka Al-Shabaab ayaa sidoo kale weeraray xeryaha ku dhow Bariire si ciidanka la xasuuqayey aysan u helin wax gurmad ah.
Ciidamo aad u hubeysan ayaa weeraray Xerada Awdheegle si uusan halkaas uga soo dhaqaaqin wax gurmad ah. dagaal xoogan iyo camaliyad istish-haadi ah ayaa beegsaday saldhigga maleeshiyaatka Soomaalida ee Awdheegle, kaas oo isna khasaare kala duwan uu ka dhashay.
Ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay Muqdisho ayaa sidoo kale Camaliyad Istish-haadi ah iyo kamiin uu ku qabsaday duleedka Muqdisho sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta.
Waxaa sidoo kale duqeymo lagu beegsaday saldhigga maleeshiyaatka Soomaalida ee Janaale iyo Sabiid ee Sh/hoose.
ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada oo ku aadan xasuuqa aroorniadii saaka ciidankooda ku qabsaday saldhigga Bariire iyo weerarada barbar socday ee lagu qaaday xeryaha ay ka dagan yihiin Sh/hoose.
Xigasho: Radio Andalus