Masaajid ay ku baxday in ka badan boqol iyo todobaatan kun oo laga dhisay Daara salaam.(Sawirro)

Munaasabad ballaaran oo lagu furyay masjid ay ku baxday in ka badan boqol iyo todobaatan kun ayaa ka dhacday deegaanka Daara salaam oo hoostaga degmada Saakow ee wilaayada jubbooyinka.

Furitaanka Masaajidka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin katirsan wilaayada,Culumaaudiin,Odayaal dhaqan iyo qaar kamid ah jameecada Masjidka.

Dadka ku dhaqan deegaanka daara salaam oo kaalmo ka helay qaar kamid ah dadka Muxsiniinta ah ayaa dhisay masjid aad uqurux badan oo ay ku baxday boqol todobaatan iyo kow kun afar boqol todobaatan iyo sagaal doolar.

Ugaaska Beesha Leysaan ee wilaayada jubooyinka ayaa sheegay in gudiga Masjidka lagu leeyahay 10 kun oo doolar waxaana uu ka codsay wilaayada inay ka bixiso deynta lagu leeyahay masjidka.

Ugaaska ayaa umahad celiyay dadka ka qeybgalay oo hantidooda ku bixiyay dhimsha majidka.cod

Mid kamid ah Gudiga Masjidka ayaa ka sheekeeyay maraaxishii laga soo maray dhismaha masjidka iyo tirada lacagta ku baxday.cod

Halkan ka dhagayso Codka Ugaaska Beesha Leysaan ee Jubooyinka

Halkan ka dhagayso mid kamid ah Mid kamd ah Gudiga Masjidka Daara salaam

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.