10 Askari Oo Lagu dilay Howlgallo Ka dhacay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgallo ballaaran ka fuliyeen qeybo kamid ah gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Galgaduud, ciidamo katirsan maamulka Galmudug oo ku safrayay duleedka magaalada Dhuusamreeb ee xarunta gobolka Gagladuud ayaa waxay la kulmeen weerar kamiin ah oo uga yimid Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaal muda socday kadib, waxaa weerarka lagu dilay 6 askari oo katirsan ciidamada maamulka Galmdug, ciidamada Xarakada Al-Shabaabna waxay weerarka kula wareegeen 4 qori.

Weeraro qaraxyo u badnaa ayaa dhanka kale gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagula beegsaday ciidama ilaalo u ahaa taliyaha guud ee ciidamada Dowladda Federaalka Jeneraal Odawaa.

Qaraxyada oo is xig xigay waxaa lagu dilay 4 askari oo katirsna ilaaladiisa, iyadoo ay jiraan tiro kale oo dhaawacantay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii dardar gelisay weerarada ay ku beegsaneyso ciidamada Dowladda federaalka, kuwaas oo Shisheeyaha ku wehlinaya dhibaatada ay ka wadaan dalkeena Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso Faafaahin 10 askari oo katirsan Dowladdal Federaalka Oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.