2 Qof oo Ku Geeriyootay Duleedka Magaalada Garowe.

Wararka ka imanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in laba wiil oo dhallinyaro ah ay ku dhinteen Ceelka af dhurwaayaale ee duleedka magaalada Garoowe.

Dhallinyaradaan oo saxiibo ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdulqaadir Jaamac Ciise iyo Cabdulqaadir khaliif.

Maamulka Punland ayaa sheegay in ay hore uga digeen halista ceelasha halkaasi ku yaala mana ahan markii ugu horreysay oo ay dad ku dhintaan.

Odayaasha degaanka ayaa maamulka Deni ku eedeeyay ineysan si rasmi ah isaga xil saarin ka hor tagga shilalka noocaan ah.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal oo lagu magacaabo Cismaan Maxamuud Buraale ayaa sheegay in waalidka looga baahan yahay iney ubadkooda ka ceshadaan goobahaas.

Dhawaan ayay ahayd markii sadax dhallinyaro ah oo ciyaar u socotay ay ku dhinteen gobolka Karkaar kadib markii uu shil la galay gaarigii ay saarnaayeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.