4 Ruux Oo ku Dhimatay Shil Gaari Oo ka dhacay Magaalada Berbera.
Wararka ka imaanaya dhulka wuqooyi galbeed ee Soomaaliya ayaa ku waramaya in shil gaari oo khasaare dhaliyay uu ka dhacay wadada xiriirsa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ee uu ka arrimiyo maamulka Soomaaliland.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen labo gaari oo ay saarnaayeen dadweyne, waxaana halkaas ku dhintay 4 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Dhaawacyda ka dhashey shilka gaari waxaa la dhisay isbitaalka weyn ee magaalada Berbera halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Wadada xiriirisa Berbera iyo Hargeysa waxaa inta badan ka dhaca shilalka gaari, waxaana qadarta Allaah kadib ugu wacan xirfad yarida darwallada iyo iyagoo xawaare siyaad ah ku kaxeeya gawaarida, xilli qaarkood ay isticmaalaan maandooriyaha qaadka.
Halkan ka dhagayso Faafaahin Shilka gaari ee ay ku dhinteen 4 Ruux.