9 Askari Oo maamulka Jubbaland Looga dilay Jubbada Hoose. (Dhagayso)

Wararka naga soo gaaraya deeganano katirsan gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay ka dheceen howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada maamulka Jubbaland ee gacan saarka dhow la leh kuwa Kenya iyo Itoobiya.

Labo gaari oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland kuna safrayay inta u dhexeysa Afmadow iyo Qooqaani ayaa waxaa lagu beegsaday qaraxyo xoogan, kuwaasoo dhaliyay khasaare kala duwan.

Ugu yaran 9 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku naf waayay qaraxyadan, halka ay jiraan tiro kale oo dhaawacantay.

Askar kasoo gurmatay dhinaca Afmadow ayaa iyagana la kulmey weerar kamiin ah, waxaana jiro waxyeello kala duwan oo gaartay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sidoo kale weerareen saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee deegaanka Cabdalla biroole oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Waxay sidoo kale Mujaahidiintu weerareen saldhiga ciidamada Shisheeyaha Uganda ee deegaanka Arbacow oo dhaca duleedka Ceelasha biyaha, iyagoo sidoo kale weeraray kontoroolka Siinkadheer oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Lama oga khasaaraha rasmig ah ee ka dhashey weeraradan dambe.

Halkan ka dhagyaso Faafaahinta howlgalladan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.