Al-Shabaab Oo Lagu Wado Iney Jeediyaan Fariin Culus Oo Ku Socota Uhuru Kenyata.

Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan kooban oo uu kaga hadlayo farriin culus oo muhiim ah oo ku socota madaxweynaha Kenya, taasoo goordhow ay soo saari doonto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

” Allaa awoodo leh haddii uu ogolaado, waxay mu’assasada warbaahineed ee Al-Kataa’ib goordhow baahin doontaa farriin muhiim ah oo ku socota madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, dowladiisa iyo si guud shacabka Kenya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Farriinta Al-Kataa’ib waxay daaha ka rogi doontaa arimo xasaasi ah oo ku aadan duulaanka Kenya ee Soomaaliya.

Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay dhankeeda iidn soo gudbin doontaa fariintaas ay ballanqaaday Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab marka ugu horeysa ee ay soo baxdo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.