Banaanbax Lagu Taageerayo Reer Filastiin Oo ka dhacay Mudug.

Boqollaal ruux oo kamid ah dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa dhigay dibad bax ballaaran oo ay ku taageerayaan muslimiinta Filastiin ee dagaalka kula jira Yahuudda.

Dadka bananabaxa isugu yimid oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku dhawaaqayay hadallo ka dhan ah Yahuudda iyo kuwa ay ku taageerayaan muslimiinta reer Filastiin.

Waxgarad iyo Culimo ayaa dadka kula hadlay fagaaraha, waxaana loo sheegay ahmiyadda ay leedahay qadiyadda Filastiin maadaama uu ku yaalo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa.

Dadka Muslimiinta ah ayaa reer Filastiin ugu baaqay iney sabraan oo ay dulqaataan, iskana dhiciyaan Yahuudda, muslimiinta caalamkana ay usoo gurman doonaan.

Dibadabaxyadan ka dhacaya qeybo kamid ah caalamka Islaamka waxay imaanayaan iyadoo dhawaan Yahuuddu weeraro duqeymo ah kusoo qaadeen Jiidda Qazza, halkaas oo ay ku nafwaayeen boqollaal ruux oo muslimiin ah.

Dhinaca Filastiiniyiinta waxay iyagana dhigeen wacdaro adag, iyagoo gantaallo ku garaacay deegaannada ay xooga ku heystaan Yahuudda.

Halkan ka dhagayso Dibadbaxyada ka dhacay magaalada Xarardheere ee Mudug.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.