Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Haweeney Ku dilay Muqdisho. (Dhagayso)

Ciidamada Dowladda federaalka ayaa magaalada Muqdisho ku dilay haweeney Soomaaliyeed, kadib is rasaaseyn dhexmartay laba ciidan oo kawada tirsan Dowladda Federaalka.

Xaafadda Warshadda caanaha ee degmada Hodan magaalada Muqdisho ayay ka dhacday dhibaatadan, waxaana ciidamada is rasaaseeyay qeyb kamid ah ay ahaayeen kuwa uu Turkiga tababaray.

Kala shakki soo kala dhexgalay labada ciidan ayaa dhaliyay is rasaaseynta dhexmartay, waxaana iyagoo u aaba yeelin dadka shacabka ah ay fureen rasaas xoogan.

Markii dambe, labada ciidan ayaa ka dhaqaaqey goobta, iyagoo aan waxba ka dhihin dilka ay u geysteen haweeneyda Soomaaliyeed oo kamid ahayd dadka xaafadda.

Ciidamada Dowladda federaalka ayaa si bareer ah u dila dadka shacabka ah ee ku nool goobaha ay maamulaan, waxaana sidoo kale jirta dad ku dhinta dagaallada dhexmara ciidanka dowladda federaalka dhexdood.

Halkan ka dhagayso Faafaahin ku aadan Ciidamada Dowladda federaalka Oo Dilay Gabar Soomaaliyeed.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.