Weeraro ka dhacay Baar Sanguuni iyo Awdheegle.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen askarta maamulka Jubbaland ee difaacyada ku leh deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u suuragashey iney xabadda ku kediyaan askarta maamulka Jubbaland.

Goobjoogayaal waxay kusoo warameen in ciidamada maamulka Jubbaland qaarkood ay cagaha wax ka dayeen markii ay u adkeysan waayeen rasaasta uga imaaneysa dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkii xalay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni, waxaana deegaankan uu marar badan marti geliyay weeraro xoogan oo qaarkood lagu dilay ciidamo Ameerikaan ah.

Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada Dowladda federaalka ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka waxa uu ahaa mid xoogan islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiiisa kala duwan, lama hayo khasaaraha ka dhashey weerarkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.