Dad Guryahooda ay Burburisay Dowladda Federaalka Oo Cabasho ka Muujiyay Tallaabadas.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya tacadiyaad ay kala kulmeen saraakiil katirsan Dowladda federaalka.

Dadkan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in saraakiil katirsna dowladda federaalka ay burburiyeen guryihii ay dadkaasi ku lahaayeen qeybo kamid ah degmada Deyniile.

Waxay sheegeen in guryahooda xoog looga barakiciyay kadibna cagaf cagaf la geliyay, haatanna ay yihiin hooy la’aan.

Waxay tilmaameen in markii ay isku dayeen in tallaabadaas ay ka dhiidhiyaanna qori sanka laga geliyay, halisna ay gashey naftooda.

Saraakiisha Dowladda federaalka ayaa xadgudubyo dhan weliba leh waxay kula kacaan dadka shacabka ah ee ku nool goobaha ay ka taliyaan, waxaana meelaha ugu badan ee ay tacadiyaadka ka geystaan kamdi ah Muqdisho, halkaas oo dadka guryahooda xoog looga barakiciyo, kadibna lagu wareejiyo shirkado Shisheeye iyo ganacsato maalqabeenno ah.

Halkan ka dhagayso Cabashda qaar kamid ah dadka Guryahooda laga barakiciyay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.