Dagaallo Ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo Gobolka Bakool.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro kala duwan ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollada Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Deegaannada Number 60 iyo Arbacow oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha Uganda oo qeyb ka ah dowladaha duulaanka ku jooga wadankeena Soomaaliya.

Daryanka hubka culus ee la isku adeegsaday ayaa laga maqlayay goobo ka baxsan halka lagu dagaallamay.

Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiinta waxay weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weeraradan, waxaana ay ku daba feylayaan silsilado howlgallo ah oo lagu beegsanayo ciidamada Shisheeyaha iyo maamullada ku daaban ee ka jira wadanka.

Halkan ka dhagyaso Weeeraro ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo Bakool.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.