Dagaallo Khasaare Lagu Gaarsiiyay Dowladda Federaalka Oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

 

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in dagaallo xoogan ay halkaas ku dhexmarayaan ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaallada oo dhacay illaa iyo shan jeer ayaa kii ugu dambeeyay la isku habeensaday, waxaana khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda federaalka.

Ugu yaraan 5 askari oo katirsan askarta Dowladda federaalka ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaallada, halka 13 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkood dhaawacyadoodu halis yihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.