Dhagayso Alshabaab oo bogaadisay Falastiiniyiinta difaacaya Masjidka Al-aqsaa.

Xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hadashay Munsaabada Ciidul Fidriga oo maanta si weyn loogu ciidayo dhulka ay ka taliso iyo gabood fallada Yahuudu ay ka wadaan dhulka Falastiin.

Isagoo soo qaadanaya Nusuus ayuu Afhayeenka xarakada shabaabul Mujaahidiin sheekh Cali Maxamuud Raagge wuxuu hanbalyo ciida ku aadan Udiray dhammaan Muslimiinta.

“Waxaanu leenahay Allaah hanaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo qabanay”ayuu yiri sheekh Cali isagoo docda kale ka hadlay farxadaha usugnaatay qofka soomay.

Sheekh Cali dheere ayaa kalimada wuxuu kusoo hadal qaaday sida ay udareemayaan Muslimiinta ku dhibaataysan Caalamka isagoo bogaadiyay nafhurka falastiiniyiinta ku difaacayaan Masjidka Al.aqsaa.

Halkan ka dhagayso Kalimada Ciidul Fitr 1442 ee Sh Cali Dhere

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.