Diyaarada Milliteri Oo Kusoo dhacay gudaha Maraykanka.

 

Wararka ka imaanaya wadanka Maraykanka ayaa xaqiijinaya iney soo dhacday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka ee Maraykanka.

Diyaaradda soo dhacday ayaa ka duushey garoon milliteri oo ku yaala gobolka Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Duuliyaha diyaaradda ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay soo dhicitaanka diyaaradda, taasoo illaa iyo hadda la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Bayaan kasoo baxay waaxda badqabka xagga duulimaadyada hawada ee dalka Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay soo dhicitaanka diyaaradda, waxayna sheegeen inuu socdo baaritaanno lagu ogaanayo sababaha keeney.

Maraykanka ayaa duqeymo aan loo meel dayin wuxuu ka geystaa wadamada caalamka Islaamka, waxaana ku socda habaarka dadka mustadcafiinta ah, taasina waxay keentaa in musiibooyin rabbaani ah ay ku dhacaan, sida ay tilmaamayaan culimada Diinta Islaamka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.