Duqeyn Lagu Garaacay Saldhiga Ciidamada Maamulka Puntland ee Galgala.

 

Wararka naga soo gaaraya gobolada waqooyi bari Soomaaliya ayaa tilmaamaya in duqeyn xoogan lagu garaacay saldhiga ciidamada maamulka Puntland ee deegaanka Galgala ee gobolka Bari.

Guutooyinka Jugta culus ee Jabhadda Liwaa’ul Qudus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa 20 madfac waxay ku garaaceen saldhiga ciidamada maamulka Puntland ee Galgala, waxaana madaafiicdu ay gudaha ugu dheceen saldhiga.

Sida ay tilmaamayaan xogo horudhac ah oo aan heleyno, waxaa jira khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada maamulka Puntland ee lagu garaacay madaafiicda.

Duqeynta kadib, waxaa la arkayay uuro iyo qiiq madow oo cirka isku shareeray, iyadoona uu holac ka kacay gudaha xerada la duqeeyay, taasoo muujineysa waxyeellada goobta ka dhalatay.

Gaari nooca BG-ga loo yaqaano, islamarkaana ciidamada iyo saanadda lagu daabulo ayaa ku basbeelay duqeynta ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen saldhiga ciidamada maamulka Puntland ee Galgala, Waxaa suuragal ah in khasaaruha iyo waxyeelladu kororto, maadaama duqeyntu ahayd mid xoogan, in muda ahna socotay.

Buuraleyda Goolis oo ah halkii ay ka dagaallami jireen Daraawiishtii uu hogaaminayay Sayid Muxamad Cabdulle Xasan ayaa waxaa ka howlgala guutada Liwaa’ul Qudus ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna halkaas kula dagaallamaan ciidama caddaan ah oo ilaalinaya shirkado boobaya kheyraadka dalka iyo askarta maamulka Puntland oo gacan siinaya ciidamadaas cadaanka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.