Ehellada Gabdho Lagu Kufsaday Muqdisho Oo Cadaalad Darro ka sheeganaya.

Maalmihii Ciidda ee aynu soo dhaafnay ayaa inta u dhexeya Deyniile iyo Ceelasha biyaha waxaa lagu kufsaday saddex haween ah oo midi da’ yareyd, waxaana falkaas geystay ciidamo katirsan Dowladda federaalka.

Gabdhahan la kufsaday oo ay mid kamid ah xaamilo ahayd ayaa waxaa la isugu daray kufsi iyo jirdil xoogan, waxaana arinkan ku kacay ciidamo katirsan dowladda federaalka oo ku sugnaa bar kontorool.

Inkastoo gabdhuhu ay aqoonsadeen askartii kufsiga u geystay, ayaa hadana maamulka degmada Deyniile ee Dowladda federaalka wuxuu beeniayy falkaas foosah xun.

Gudoomiyaha degmada Deyniile Jacfar oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamaya kufsiga ay geysteen ciidankiisa, waxaana arinkaas gaashaanka ku dhuftay ehellada gabdhaha la kufsaday.

Waxay sheegeen iney dulmanyihiin, islamarkaana ay doonayaan iney helaan cadaalad.

Waa arin soo noq noqotay in ciidamada Dowladda federaalka ay kufsi kula kacaan haweenka muslimaadka ah ee Soomaaliyeed, waxaana ugu wacan tarbiyada ciidamadaas oo ah mid liidata, maadaama ay ka hoos shaqeynayaan ciidamo Shisheeye ah oo aan ku diin ahayn umadda Soomaaliyeed.

Halkan ka dhagasyo Ehellada oo Warbaahinta la hadlay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.