Faahfaahin: In Ka Badan 10 Askari oo Kenya Looga Dilay Weerar Ka Dhacay NFD.

Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa faa’iidada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uga soo hoyatay weerar ay shalay aroortii hore ka geysatay dhulka NFD.

Weerarka oo ahaa Kamiin islamarkaana ka dhacay inta u dhaxaysa degaanada Taagaabo iyo Baanisa oo dhaca gobolka Mandheera ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 askari oo ciidanka Kenya kamid ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u xaqiijiyay in wadarta guud ee dhimashada ciidanka Kenya ay tahay 13 askari.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dul istaageen meydadka 13-ka ah sida aan xogta ku helnay kuwaasoo u dhintay qarax iyo rasaas toos ah oo lagu shannaqay.

Dadka degaanka waxay sheegeen iney maqlayeen jugta qaraxyo iyo daryanka rasaas ku laran oo muddo socotay.

Weerarkan kamiinka ah ayaa waxaa sidoo kale ciidamada Kenya looga gubay laba gaari oo noocoodu yahay Kooyal kuwaasoo qalfooftooda lagu arkayo halkii lagu beegsaday.

Taliska Boliska ayaa horey u sheegay in gaadiidka ay ku hawl galaan ciidamadooda ay ka taagan yihiin quus kadib markii ay noqdeen kuwa u nugul qaraxyada Xarakada Al-Shabaabul-mujaahidiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.