Faransiiska Oo Ku Goodiyay in Ciidankiisa Uu Kala Baxayo Maali.

Madaxweynaha wadanka Faransiiska ee ku caan baxay aflagaadeynta Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasallam Emmanual Macron ayaa ugu goodiyay saraakiisha milliteriga dalka Maali in ciidankiisa uu kala baxayo wadanka Maali.

Waraysi uu Macron siiyay mid kamid ah wargeysyada kasoo baxa wadanka Faransiiska ayuu ku sheegay in madaxweynaha xilka xooga looga qaaday ee wadanka Maali uu u sheegay in ciidankiisa uu kala baxayo wadanka Maali, haddii la waayo xukuumad sal fadhisa.

” Waxaan u sheegay madaxweynaha iney kala doortaan ciidameyda iyo Islaamka xagjirka ah ” isagoo ula jeeda jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam wal Muslimiin, taasoo ka howlgasha wadamada saxaraha iyo saaxilka Africa.

Macron ayaa sheegay in ciidamadiisu aaney sii taageeri doonin wadan aaney ka jirin wax dimuqraadiyo ah, sida uu hadalka u dhigay, isagoo ula jeeda afgembiyada milliteri ee kusoo noq noqday wadanka Maali oo ay askartiisa duulaan gardaro ah ku joogaan.

Faransiiska ayaa kamid ah dowladaha faragelinnada tooska ah ku hayo wadamada caalamka Islaamka, waxaana wadankaas intaas u dheer aflgaadada joogtada ah ee ay u geystaan muqadasaatka Muslimiinta oo uu kamid yahay shakhsiyadda sharafta badan ee Rasuulka Salla-llahu Caleyhi wasallam.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.