Dr. Keyse: “Filimka Al-Kataa’ib Ee Ciida Wuxuu Bannaanka Soo Dhigay Iney Kooxda Al-Shabaab Ka Gudubtay Heer Dagaal Lagu Maquunin Karo.

06-Jan-2020, Andrew Franklin, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga ayaa wuxuu sheegay in aysan dowladda Mareykanku qorshe cad u hayn la dagaalanka Al-Shabaab, hadafkeeduna uu kusoo koobmay oo kaliya inay leedahay waxaan joognaa gobolka, waxaana tababarro iyo caawinaad u fidinnaa ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Oct 31, 2017, Maxamadweynaha xilku ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa gole uu ka hadlayay ka yiri “AMISOM sanad walba Billions dollars ayay beesha caalamku ku taageertaa, xaqiiqda ayaa ah siima wadi karaan taageerada ay nagu siiyaan ladagaallanka Alshabaab oo hadda ayay qaati ka taaganyihiin qarashka ay bixiyaan, waxaana dhici doonta in AMISOM naga baxdo oo Al-shabaab iyo anaga ayaa isku hari doono ee maxaa noo tala ah”

Wargeyska Foreign Policy oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa isna wuxuu qoray warbixin uu ku muujiyay in Amism aysan lasii dagaalami karin Jihaadiyiinta go’aanka adag ee Al-Shabaab isagoo waliba soo xigtay afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga Cabdicasiis Xildhibaan oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska.

Sannadihii ugu dambeeyay waxaa warbaahinada caalamka ka baxay hadallo badan oo ay beesha caalamku ku muujisay niyad jab weyn oo ay ka qabto kooxda, taasoo aan aad ula yaabay mararka qaarna igu ahaa wax aan maleysan waayay oo ka badbadin ah, laakin dhab ahaantii waxaan u garaabay kolkii aan laba goor daawaday filimkii ay maalintii labaad ee Ciida soo saartay hey’adda Al-Kataa’ib.

Inkastoo aanan kamid ahayn qurba joogta aadka ula dhacday Jihaadiyiinta, haddana ima dhaafaan muuqaalada ay soo saaraan gaar ahaan kuwooda ka jira Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan ahay siyaasi u baahan xog iyo inuu aragti dhab ah ka helo waxa ka jira dunida iyo dalkiisa. Mar waxaan daawaday filimka oo Carabi ah marna isagoo Soomaali ah.

Fursadaha Dahabiga Ah Ee Ay Shabaab Heystaan.

Marka si guud loo qiimeeyo farriimaha uu xambaarsan yahay filimkan , waxaa kuu soo baxaya in islaamiyiintu heystaan fursado badan oo ay tan ugu horreyso tahay iney shacabka qancin karaan una sheegi karaan wax aysan u sheegi karin dowladda iyo Beesha Caalamka, oo ah caqiido iyo fakar xujooyin wadata.

Marka qofka Soomaaliga ah looga xog warramo diinta muslimka oo ah tan uu aaminsan yahay, dadkana loo tuso laba koox oo kala ah Islaam iyo Gaalo, gabood fallada Mareykankanka iyo Yahuudana looga dhigo cadaawad diineed, waxaa qasab noqoneysa in dadku raacaan Shabaabka, maadaama ay iyagu yihiin kuwa kaliya ee mowqifkaas istaagi kara.

Muuqaalku wuxuu xoogga saaray in dadka muslimiinta ah usoo haajiraan gobolada ay islaamiyiintu maamulaan ee loo yaqaano Wilaayaadka Islaamiga ah iyadoo hogaamiye Abuu Cubeyda uu xabadka u garaacay inuu soo dhaweynayo qof kasta oo kasoo tagaya wadamada aan muslimiinta ahayn, waana tan keentay in ay u yimaadaan dhallinyaro badan oo isaga kala yimid wadamada caalamka oo dhan.

Shabaab Wey Ka Gudbeen In Dagaal Lagu Maquuniyo.

Filimka wuxuu dibadda soo dhigay in dagaalka mintidiintu uu u tallaabay heer qaaradeed maadaama lasoo bandhigay ciidankooda oo ka hawl galaya illaa hawdka wadanka Kenya kana muuqato hufnaan iyo daacadnimo, sidaa darteed waa ciidan aysan u babac dhigi karin askarta Amisom oo iyagu calooshood u shaqeystayaal ah iyo kuwa dowladda oo kasii liita, waana nasiib darro dhabar jab ku ah dadaaladii iyo dhaqaalihii badnaa ee beesha caalamka.

Qoraayaasha ka faallooda la dagaalanka Argagixisada waxay qabaan dhammaantood in aan dagaal looga adkaan karin koox jihaadi ah mar haddii ay noqoto gaashaan buur ka kooban Jinsiyado kala duwan balse uu kulmiyay mabda’a. Al-Shabaab-na waa kuwan sidaasi isugu dhex milmay.

Arrinta khatarta ah ayaa waxay tahay iney ku biireen dhallinyaro u badan kuwa ku hadla luqadda Sawaaxiliga, maxaa yeelay waxay sababi kartaa in ugu dambeyn uu dalka aan jaarka nahay ee Kenya ka qarxo dagaal diinta ku salaysan oo shacabka u kala saara Muslimiin iyo Gaalo.

Al-Shabaab waxaa hogaamiya rag mayal adag oo meelo fog fog ka shaxaya una fakaraya sida saxaabadii oo kale tanina waa caqabad kale oo keeneysa inaan laga adkaan, sababtoo ah dagaalamayaasha islaamiyiinta ah waxaa loo maquuniyaa milatari ahaan ama waxaa lagu simbiririxiyaa jiljileec dhanka hogaanka ah, xaqiiqdiina intaas oo dhan hadda iima muuqdaan.

Wadaadka Mahad Warsame oo filimka kasoo muuqday iyo rag kale oo yaraanteydii iigu dambeysay ayaan aqoon u leeyahay kuwaasoo fakarkaan shareeco isku xukunka ah qabay tan iyo xilligii Dowladdii Kacaanka waxaana daraasaadka caalamiga ahi kuu sheegayaan iney halis yihiin dadka noocaas ah ayna adag tahay iney tanasulaan.

Afar maalmood kadib, mar aan ka qeyb galay shir lagu casuumay afartan aqoon yahay oo ka dhacayay xerada Xalane ee Muqdisho loogana hadlayay sida wada hadal lagula geli karo Al-Shabaab, ayaa waxaan kulannay sarkaal ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, waxaan u sheegay in Shabaab aan nabad laga heleyn illaa laga oggolaado qodobada qaar ee ay ku doodayaan sida iney u madax-bannaanaadaan isku xukunka diinta, ninkaas wuxuu ii sheegay iney arrintaas mustaxiil tahay, anna waxaan si cad ugu sheegay iney sii xoogeysan doonaan.

Filimka sababta u noqday inaan maqaalkan qoro wuxuu kusoo aaday iyadoo Dowladdii Soomaaliya ay Muqdisho isku heysato, madaxdii saaxiibaha ahaana ay is haaraamayaan si waliba cadaawadi ku dheehan tahay.

Ugu dambeyntii, sida aan muuqaalka ka arkayay, waxaa cad in ciidanka Shabaabku tababar ahaan aad u horreeyaan, dhaqaale ahaanna sii kobcayaan, kalsoonida ay ka heystaan bushadana sii weenaanayso, sidaa awgeed waxaan soo jeedinayaa in Shabaabka loo aqoonsado kayaan jira, haddii kale waxaa dhici doonta in maalin maalmaha kamid ah loo tanasulo sida Talibaan oo kale.

WQ: Dr. Keyse Ibraahim Qaalib. Brussels, Belgium.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.