Sawirro: Hey’ad Samafal oo Madaxbannaan oo Caawin Doonta Agoonta oo Ka Shaqo Billowday Koofurta Soomaaliya.

Hey’ad Samafal ayaa looga dhawaaqay munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Hey’addan oo ay aasaaseen dad u badan ganacsato iyo duqey ayaa u istaagtay iney caawiso caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah iyadoo siineysa wax yaabaha aasaasiga ah sida noloshooda, waxbarashadooda iyo caafimaadkooda.

Xarakada Al-Shabaab ayaa aqbashay codsi uga yimid hey’adda oo ahaa iney ka hawl gasho gobolada Koofureed ee Soomaaliya, sida uu munaasabadda ka sheegay gudoomiyaha hey’adda Kafaala oo lagu magacaabo Xassan Ibraahim Khamiis.

Munaasabadda furitaanka Hey’adda Kafaala ee Agoonta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin lagu marti qaaday iyo dad badan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uulka hey’adda ayaa sheegay iney ka go’an tahay iney wax u qabtaan caruurta Agoonta ah isagoo sheegay iney hawshooda ugu horreysa ka dhigayaan mashruuc ay lacag iyo raashin ku siinayaan Kun qoys.

Sheekh Maxamad Abuu Cabdalla oo ah waaliga Jubbooyinka ayaa sheegay iney horumar u arkaan hey’adaha noocan ah ee u istaagaya Agoonta, wuxuuna u ballan qaaday iney soo dhaweynayaan.

Dhammaan martidii kale ee ka hadashay munaasabadda oo ay ugu horreeyaan ganacsatada iyo culimaa’udiinka ayaa ballan qaaday iney hey’adda ku garab istaagayaan hawsha adag ee ay isku xil saartay, waxayna dadka muslimiinta ah dal iyo dibadba ugu baaqeen iney hey’adda garab istaagaan.

Mashruucii ugu horreeyay ayay hey’addu ka sameysay degmada Saakow kadib munaasabaddii xarigga looga jaray waxayna raashin iyo lacag min 100 Doolar ah siisay 100 qoys, waxaana idiin soo gudbin doonnaa sawirrada mashruucaasi insha’allaah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.