Howlgallo Milliteri oo ka dhacay Gobollo kala duwan oo kamid ah Soomaaliya.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay qaadeen silsilado weeraro ah oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha, kuwa Jabuuti iyo ciidamada Soomaalida ee ka hoos shaqeeya Shisheeyaha.

Weerar aad u abaabulnaa ayaa lagu qaaday ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan deegaanka Hosingow ee Jubbada Hoose, waxaana dagaalku socday in mud aah.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen ciidamada Uganda ee ku sugan deegaanka Arbacow ee duleedka Ceelasha biyaha.

Meelaha kale ee habeenkii xalay la weeraray waxaa kamid ah saldhigyada Lafoole iyo Siinkadheer oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan Dowladda federaalka.

Ciidamada Jabuuti oo garab siinaya Shisheeyaha kusoo duuley dalka, Soomaalidana ugu yeerto Hiil gumeysi ayaa iyagana xalay la kulmay weeraro culus, waxaana lagu weeraray degmooyinka Buulo burde iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dhamaan howlgalladan ay qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey, balse waxaa la xaqiijiyay in waxyeello kala duwan ay ka dhasheen.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.