Imaarada Islaamiga ah Oo Uga digtay Dowladaha Deriska ah Iney Marti geliyaan Saldhigyo Shisheeye.

Bayaan kasoo baxay Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan waxaa dowladaha deriska la ah wadankaas looga digay iney marti geliyaan saldhigyo ay dowladda Maraykanka ka furato wadamadaas.

Bayaan kasoo baxay Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu doonayo inuu wadamada deriska la ah Afqanistaan uu ka sameysto saldhigyo militeri uu kasii wado dhibaatada uu ku hayo muslimiinta Afqaanistaan.

Imaarada Islaamiga ah ayaa dowladahaas uga digtay iney marti geliyaan Maraykanka, waxayna sheegtay in haddii ay tallaabadaas ku kacaan ay iyagu masuul ka yihiin wixii ka dhasha.

Halkan ka dhagayso Warbixin Bayaanka Imaarada Islaamiga ah

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.