Jufooyin katirsan Beesha Gaaljecel Oo Diyo ku kala Qaatay Shabeellaha Hoose. (Dhagayso)
Munaasabad ballaaran oo ka dhacday deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa diyo ku kala qaatay jufooyinka Makaa’iil iyo Caloofi oo katirsan beesah Gaaljecel.
Jufada Caloofi ayaa Makaa’iil ku wareejisay diya lacageed oo u dhiganta 100 neef oo geel, maadaama ay horey u dileen nin kasoo jeeda jufada Makaa’iil.
Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay odayaasha dhaqanka ee beesha Gaaljecel iyo masuuliyiin katirsan maamulka Islaamiga ah ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka lagu maamulo Shareecada Islaamka ee wilaayaadka islaamiga ayaa marka ay khilaafaad soo kala dhexgalaan waxay u xukun tagaan maxaakiimta islaamiga ah ee ay hirgelisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dhagayso Jufooyin katirsan Gaaljecel oo diyo kala qaatay