Kuunya Barrow Oo Si Cajiib ah Looga Ciiday. (Sawirro Indhaha Uroon).
Kumanaan ruux oo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshada muslimiinta ah ayaa saaka salaadda Ciidul fitriga 1442-da hijriyada waxay ku tukteen musallaha Sayid Muxamad Cabdulle Xasan ee deegaanka Kuunya Barrow wilaayada Shabeellaha Hoose.
Haween, caruur da’ yar iyo dad waaweyn ayaa isugu yimid musallaha, waxaana ay ku labisnaayeen dhar qurxoon, iyadoona wejiyadooda laga dareemayay farxadda Ciida.
Masuuliyiin katirsan maamulka islaamiga ah, waxgarad iyo culimada diinta Islaamka ayaa sidoo kale kamid ahaa dadka yimid musallaha, kuwaas oo jeediyay kalimaad iyo waano ku socota dadka muslimiinta ah.
Waa ciiddii ugu dadka badneyd marka laga hadlayo musallaha salaadda ee deegaanka Kuunya Barrow, waxaana ugu wacan iyadoo ay jiraan boqollaal ruux oo ka yimid magaalooyin kale, doonayana in maalinta ciidda ay ku qaataan wilaayaadka islaamiga ah.