Labo Gabdhood Oo ku dhintay Goob Biyo Fadhiisid ah oo ku Taalla Garoowe.

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, maamulka Puntland-na u ah magaala madax ayaa ku waramaa in labo gabdhood oo da’ yar ay ku hafteen goob biyo fadhiisid oo ah ku taalla duleedka magaalada.

Deegaanka ay dhibaatadan ka dhacday ayaa waxaa lagu magacaabaa Biya cadde, wuxuuna dhanka bari kaga beeganyahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Gabdhaha ayaa dabaal u aaday goobta biya fadhiisidka ah, waxaana da’dooda lagu kala sheegay 8 jir iyo 14 jir ah.

Dhawaan ayay ahayd markii ceel lagu magacaabo Af Waraabe oo u dhow magaalada Garoowe ay ku dhinteen labo wiil.

Odayaasha dhaqanka ayaa maamulka Puntland ku eedayay inuusan waxba ka qaban baahiyaha heysta bulshada, taas bedelkeedana lacago xad dhaaf ah laga qaado dadka shacabka ah.

Halkan ka dhagayso Labo Gabdhood oo ku haftay biyo fadhiisid ku yaala Garoowe

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.