Lix Kun oo Qoys oo Ku Barakacday Roobab Ku Dhuftay Kenya.

Lix kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaado ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay wadanka Kenya.

Hay’adda loogu yeero laanqeerta cas qeybteeda dalka Kenya ayaa sheegtay in dalka Kenya ay soo wajahday khasaare baaxad leh kadib roobab xooggan oo sababay sida ay tiri dhibaato isugu jirta burbur iyo barakac.

Waxay sheegtay inay heshay warbixino dhowr oo ku saabsan in la’yahay dhowr qof halka qaar laga cabsi qabo inay dhinteen ka dib roobabkaas oo da’ayay maalmihii ugu dambeeyay.

Xoghayaha guud ee hay’adda laanteeda Kenya oo waraysi siisay mid ka mid ah TV-yada maxaliga ah ee dalkaas ayaa sheegtay in 400 oo guryo isku raran ah kuna yaala magaalada Nairobi ay burbureen ka dib fatahaado goobahaasi ku dhuftay.

Waxaa ay dhanka kale sheegtay in lixkun iyo sideed boqol oo qoys ay hoy la’aan noqdeen markii ay guryahoodii biyuhu galeen.

Waxaa ay dadweynaha Kenyaanka ku boorrisay in ay taxaddaraan oo ay ka fogaado meelaha uu joogoodu hooseeyo.

Xoghayaha ayaa intaa ku dartay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay 19 milyan oo farriimo ah u direen dadka ku nool 18 ismaamul oo ka mid ah 47 dowlad deegaan ee uu dalka Kenya ka koobanyahay.

Ismaamulladan ayay sheegtay inay halis sare ugu jiraan inay fatahaadaha saameeyaan.
Dhankan kale waaxda isku sheegtay saadaasha hawada ee dalkaas ayaa sheegtay in la filayo toddobaadkan roobab culus oo ka da’a qaybo ka mid ah wadanka.

Gobollada ay waaxdu saadaalisay in roobab ay ka da’i doonaan waxaa ka mid ah Nairobi, bartamaha iyo bariga dalka, Nayanza, Galbeedka ,Rift Valley iyo qaybo ka mid ah ismaamulka Kitui.

Kenya ayaa wajahaysa xaalad adag iyadoo dowladdu kamid tahay kuwa ugu musuqa badan dunida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.