Maktabka Qadaha Alshabaab Oo Iclaamiyay Iney Bari Ciid Tahay.

Bayaan kasoo baxay Maktabka Qadaha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in bisha Shawaal laga arkay deegaano ka tirsan Wilaayaatka Islaamiga.

Marktbka qadaha ayaa xaqiijiyay in dad Muslimiin ah oo gaaraya ilaa 8 qof kuna dhaqan Wilaayaatka islaamiga Hiiraan,Gedo iyo Baay iyo Bakool ay arkeen dhalashada bisha Shawaal.

Bayaanka Maktabka Qadaha ayaa lagu cadeeyay in bisha lagu arkay deegaanada kala ah.

Deegaanka Afcad oo hoostaga degmada Jalalaqsi waxaana bisha Shawaal ku aragtay 3 qof.

Deeegaanka Yasoomane oo hoostaga degmada Buulo Burte waxaa bisha ku arkay hal qof.

Duleedka Degmada Xudur ee Wilaayada Baay & Bakool waxaa bisha shawaal ku arkay labo qof.

Deegaanka Tuulo barwaaqo ee Wilaayada Gedo waxaa bisha ku arkay labo qof.

Sidaas daraadeed Maktabka Qadaha ee Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u iclaamiyay in maalinta berri oo Arbaca ah ay tahay ciidul Fidri.

Bayaanka kasoo baxay Maktabka Qadaha Mujaahidinta ayaa dadka Muslimiinta ah loogu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Fitriga ee sanadka 1442-hijri waxaana loogu baaqay dadka muslimiinta ee hantida Allaah uu siiyay inay dadka masaakiinta ah caawiyaan farxada ciidana la qaybsadaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.